WASHINGTON. D.C —
Duqii hore ee Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay Muqdisho, kaddib markii maydkiisa laga keenay dalka Qatar oo uu Khamiistyii ku geeriyooday.
Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, xubnaha laba aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo mas;uuliyiin kale duwan ayaa ka qeybgalay salaadda janaasadda ee lagu tukaday maydka Eng. Yariisow.
Yariiisow ayaa lagu aasay qabuuro ku dhexyaalla school-boliiisiyo ee magaalada Muqdisho.
Marxuum Yariisow ayaa Khamiistiii dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay xarunta gobolka Benaadir oo ay mas'uuliyiida sheegatay kooxda al-Shabaab.
Warbixin aaska marxuumka ku saabsan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste