Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqii Muqdisho oo u geeriyooday dhaawacii soo gaaray


Yariisow
Yariisow

Guddoomiyihii gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa u geeriyodoay dhaawacii kasoo qaaray qaraxii ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho, 24-kii July.

Yariisow ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay lagu daweynayey Isbital ku yaalla magaalada Doha ee dalka Qatar oo loo qaaday maalin kadib qaraxa.

Geerida Yariisow ayaa waxaa VOA u xaqiijiyey maamulka gobolka Banaadir.

Qaraxii dhacay 24-kii July ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir, oo ay ku jiraan saddex guddoomiye degmo iyo agaasimeyaal.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.

Maxamed Colaad Xasan ayaa ka wareystay Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir, Ibraahim Cumar (Ibraahim Dheere).

Injineer Yariisow oo geeriyooday
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:39 0:00

XS
SM
MD
LG