Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Farmaajo oo dib u celiyey jinsiyaddiisii Mareykanka


Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib u celiyey jinsiyadda uu ka haystay dalka Mareykanka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Hawshani waa mid soo socotay in muddo ah oo ay ku hawlanaayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha ee Soomaaliya iyo Mareykanka.”

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku noolaa dalka Mareykanka muddo dheer isaga oo ka kororsaday aqoon iyo khibrado shaqo oo kala duwan, wuxuuna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka noqdoy Ra'iisul Wasaare sanadkii 2010.”

Qoraalka Villa Somalia ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu markii la doortay ka dib, si iskiis ah u bilaabay qorshaha celinta baasaboorka labaad ee Mareykanka ah, taas oo maanta soo idlaatay.

Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaanaya in muwaadinka Soomaaliyeed uu qaadan karo jinsiyad kale.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG