Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Suldaan Dhurre oo Kismaayo lagu Dilay


Magaalada Kismaayo xaley Fiidkii waxaa dabley aanan la ogaan waxay ahaayeen ay ku dileen Suldaan Rashiid Dhure oo ka mid ahaa salaadiinta Dhaqanka ee magaaladasi Kismaayo sida weyn looga yaqaanay ah.

Suldaanka ayaa la toogtey asagoo kasoo baxay salaada Maqribka waxaana sidoo kale lala diley nin kale oo rayid ahaa qeyliyey markii ay rasaasta ku bilaabeen Suldaanka iyo Cunug yar oo asna ay rasaastii la furey dhaawac soo gaarsiisey.

Suldaan Dhure ayaa ka mid ahaa salaadiinta wadey soo xulusta xubnaha baarlmaanka maamulka Jubbaland.

Qadar Mahmuud Xareed ayaa warkan kasoo direy magaalada Nairobi.

Dhageyso Dilka Suldaanka
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:26 0:00

XS
SM
MD
LG