Talisyada booliska iyo Nabad-Sugida heer fadaral ee qaybaha ka howlgala Galmudug ee degmada Dhuusamreeb ayaa soo saaray amarro la xiriira amniga Dhuusamreeb.
Amaradan ayaa looga gol leeyahay xaqiijinta amniga magaalada oo dhowaan lagu qaban doono shirka dib u heshiisiinta Galmudug.
Wariyaha VOA-da Cabdiwaaxid Macalin Isaaq ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Gaalkacyo.