Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo: Ha laga hortago dadka la shaqeeya Al-Shabaab


Xarunta Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa amray in hay’adaha amniga ay la yimaadaan qorshe lagaga hortago dadka wada-shaqaynta la sameeyaa ururka Al-Shabab.

Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyey kadib markii uu la kulmay mas’uuliyiinta amniga, maalin kadib qaraxii ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Banaadir oo ay ku dhinteen 8 qof, qaar kalena ay ku dhaawacmeen oo uu ku jiro Guddoomiyihii Gobolka Banaadir.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka waxayna sheegeen inay ku bartilaameedsanayeen ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Jame Swan. Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay inaysan haynin wax caddaymo ah oo weerarkaas la xiriirinaya Mr Swan.

Dhinaca kalena, sida ay noo sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, waxaa maanta Muqdisho tagtay dayuurad ambalaas ah oo qaadeysay gudoomiyaha gudoomiyiha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow).

Guddoomiyaha ayaa shalay ku dhaawacmay weerar qarax ah oo lagu qaaday xaruntiisa oo ay ku dhinteen ilaa iyo sideed qof oo sadex ka mid ah ay ahaayeen gudoomiyeyaasha degmooyinka, Cabdul Casiis, Shangaani, iyo Waaberi iyo agaasimayaal.

Gudoomiyaha ayaa loo qaadayaa dalka Qatar si loogu soo daweeyo.

Warbixin ay qaraxii shalay dib ugu eegeyso waxaa Muqdisho nooga soo dirtay Seynab Abuukar Maxamed.

Wararkii ugu dambeeyey qaraxii xarunta gobolka Banaadir
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:06 0:00

XS
SM
MD
LG