Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhaawaca Gudoomiye Yariiisow oo Dibadda Loo qaadayo


Yariisow
Yariisow

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisoow oo dhaawac culus uu kasoo gaarey weerarkii Ismiidaamin ee shaley lala eegtey Xafiiskiisa gobolka Banaadir ayaa saaka asaga iyo Xubnaha kale Maamulkiisa ee dhawacyada ay soo gaareen la filayaa in loo qaado Daweyn Caafmaad oo ka baxsan Somaaliya.

Gudoomiye Kuxigeenka gobolka gobolka Banaadir Moxamed Cabdulaahi Tuulax ayaa VOA u sheegay in Dhaawaca gudoomiyaha uu ka qabo qaarka sare ee Jirkiisa.

Waxaa kaloo jiro xubno saddex gudoomiyaal ah oo qabo dhaawacyo culus ayagana.

Warbixinta waxaa noo diyaarisey Sahra Cabdi Axmed.

XS
SM
MD
LG