Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoomiye Yariisow oo qarax ku dhaawacmay


Yariisow
Yariisow

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan lagu dhaawcay qarax ka dhacay xafiiskiisa.

Xaaladda guddoomiyaha ayaa la sheegya inay culus tahay, waxaana xilligan la geeyey cisbitaalka Digfeer. Xubno kale oo ka tirsan mas’uuliyiinta degmooyinka Gobolka ayaa iyagana la dhaawacay.

Qaraxa ayaa ka dhacay gudaha xarunta Gobolka Banaadir, waxaana la sheegaya inuu jiro khasaare nafeed. Wararka hordhaca ayaa sheegaya in qof ismiidaamiyey uu ka dambeeyey qaraxa.

Waxaa la sheegay inay tiro dad ah oo aan si rasmi ah loo ogeyn ay ku dhinteen qaraxa, waxaana ku jiro qaar ka mid ah mas'uuliyiinta gobolka.

Xilliga qaraxu dhacay ayaa la sheegay inuu xarunta degmada ka socday kulan ku saabsan amniga Gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Xaaladda amniga ee Gobolka waxaa inta badan gacanta ku haya ciidamada booliiska, waxaa kale iyaguna ku sugan xarunta ciidamada gaarka ah ee ilaaliya Guddoomiyaha Gobolka.

Ma cadda ilaa hadda sida qofka ismiidaamiyey ay ugu suurtogashay inuu ka gudbo goobaha kontoroolka ee lagu baaro.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, waxayna sheegtay in bartilmaameedku ahaa wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan.

XS
SM
MD
LG