Dawladda Soomaaliya ayaa baahisay natiijada imtixaanka Foom-Foorka oo ay galeen sannadkan ku dhowaad 30 kun oo arday.
Dawladda ayaa sidoo kale daabacday magacyada 10-ka arday ee ugu horreeyey natiijada.
Imtixaanka ayaa waxaa ku dhacay arday ka badan 6,000 oo arday, sida ay dowladda shaaca ka qaadday.
Warbixintan waxaa Muqdishu nooga soo dirtay Seynab Abuukar.