Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda Boosaaso oo sii daysay mas'uuliyiin la xiray


Boosaaso
Boosaaso

Maxkamada Darajada koowaad ee magaaladda Boosaaso oo maanta la horgeeyey afartii xubnood ee ka tirsanaa Guddiga dhismaha wadada Boosaaso oo mudo dhowr cisho ah ku xirnaa saldhiga bartamaha ee magaaladda ayey Maxkamadu xoriyadoodii dib ugu celisay xubnahaas.

Dhegeysigii dacwada iyo go’aanka sii deynta ah ee ay Maxkamadu gaartay ayaysan ka qayb gelin saxaafada oo ku sugneyd banaanka Maxkamadda.

Maamulka Puntland ayaa dhowaan xabsiga u taxaabay afarta xubnood ee ka tirsan Guddiga dhismaha wadada Boosaaso, kuwaas oo lagu eedeeyey inay isticmaaleen lacag uga timid Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaareysay 150 kun oo Dollar.

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyey xubnaha Guddiga ee la xiray inay iska dhega mareen ammar ay maamulka Puntland ku siiyeen in lacagtaas dib loogu celiyo halkii ay horay uga timid.

VOA oo xiriir la sameysay xubnaha Guddigaas waxay u sheegeen in xili dhow ay saxaafadda la hadli doonaan.

XS
SM
MD
LG