10 qof ayaa ku dhimatay qarax miino oo maanta lala beegsaday baabuur ay la socdeen dad rayid ah meel u dhow magaalada Afgooye.
Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in dhammaan dadkii saarnaa baabuurka, darawalkii iyo kirishboygii ay wada dhinteen oo aysan cidna ka bad-baadin.
Gudoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellada Hoose Cabdifataax Xaaji Cabdulle ayaa Haaruun Macruuf oo VOA ka tirsan uga warramay qaraxan.