Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Qarax dad badan ay ku dhinteen


Qarax
Qarax

Ugu yarana 17 qof ayaa ku dhimatay, 44 kalena way ku dhaawacmeen qarax xooggan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Agaaismaha cisbitalaka Medina, Dr Maxamed Yuusuf ayaa VOA u sheegay khasaaraha dhacay.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lagu dhuftay meel u dhow hoteelka Afrik ee ku yaalla agagaarka KM4.

Meesha qaraxu ka dhacay waxaa sidoo kale ka ag dhow bar kontorool oo laga galo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa AFP u sheegay in awoodda qaraxa dartiis ay dhulka ku dhaceen islamarkaana qaraxa uu waxyeeleeyey dhismooyin ka agdhow halka uu ka dhacay.

“kama fogeyn halka qaraxa uu ka dhacay, waxaana arkay meydad badan oo dhulka yaal” waxaa sidaas AFP u sheegay goobjooge lagu magacaabo Cabdikariim Maxamed.

Qaraxan ayaa imanaya afar maalmood kadib markii weerar duqayn ah lagu dilay Maxamed Nuur Ikhlaas oo la sheegay inuu dhinaca sirdoonka gudaha u qaabilsanaa ururka Al-Shabaab.

Weerarka lagu dilay Ikhlaas ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel u dhow degaanka Kunyo Barrow, habeennimadii Khamiista.

Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan noo soo diray.

Qarax Muqdisho ka dhacay
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:26 0:00

XS
SM
MD
LG