Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin Maraykan ah oo IS ka Tirsanaa oo Maxkamad La Soo Taagay


Nin 42 jir ah oo ka soo jeeda magaalada Brooklyn ee New York, ayaa ku soo laabtay dhulka Mareykanka, isagoo lagu eedeeyay inuu u dagaalamayay kooxda Daacish isagoo ahaa ragga meelaha qarsoon wax ka toogta ka hor intii uusan u dallicin inuu noqdo amiir

Eedeymaha ka dhanka ah Ruslan Maratovich Asainov ayaan la sheegin Jimcihii, maalin kadib markii ciidamada Mareykanka ee Suuriya ay ku wareejiyeen Saraakiisha Ammaanka ee Mareykanka.

Milatariga Mareykanka ayaa markii dambe u duuliyay Asainov magaalada New York, halkaas oo uu Jimcihii ku soo horjoogsaday garsoore.

Sida laga soo xigtay waraaqaha maxkamadda, Asainov waa muwaadin u dhashay waddanka Maraykanka oo asal ahaan ka yimid Kazakhstan, oo u safray Syria dhammaadkii 2013, halkaas oo uu ka bilaabay inuu u dagaalamo IS, isagoo ay howshiisu ahayd inuu meel fog oo qarsoon wax ka soo shiisho.

Ugu dambeyn, waxa uu noqday amiirada IS ee qaalibsanaa inay dhisaan xeryo lagu tabataro ragga cusub ee ay kooxdu qoroto ee misna bara sida loo adeegsado hubka.

XS
SM
MD
LG