Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xoolo Berbera laga qaaday oo ku xannibnaa Sacuudiga oo la fasaxay


Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa sheegatay in wada hadal ay yeesheen iyaga iyo boqortooyada Sacuudiga ay isla ogolaadeen in xayiraada laga qaado Markab xoolo siday oo ka yimid Berbera kuna xanibnaa dekad ku taalla Sacuudiga.

Arintani ayaa waxa shaaca ka qaaday Ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo xalay shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho.

Dhinaca kale, ganacsato iyo mas'uuliyiin reer Somaliland ah ayaa sheegay in sii deynta markabka ay iyagu ka shaqeeyeen. Waxay sheegeen in ay ka soo horjeedaan in la siyaasadeeyo ganacsiga iyo horumarka bulshada Soomaliland.

Qeybtan hoose ka dhageyso warbixinno arrimahaasi ku saabsan.

warbixin xoolo
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:09:17 0:00

XS
SM
MD
LG