Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rag Boosaaso Loogu Xiray Lacag ay ku Deeqday Dowladda Federalka


Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in maanta duhuraddii magaalada lagu xiray sadex nin oo ka tirsan Gudiga Dhismaha wadada magaalada Bosaso.

Ragga la xiray ayaa kala ah Eng Maxamuud Maalfo, Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax iyo Maxamed Faahiye, Guddoomiyaha Amal Banka Bosaaso.

Ilaa hadda ma cada sababta dhabta ah ee loo xiray raggan dowladda Puntlandna kama aysan hadal.

Xubno ka mid ah gudiga raggan laga xiray oo ay VOA la xiriirtay ayaa sheegay in Maamulku ku Amaray in ay kusoo wareejiyaan lacag $150,000 oo dollar ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu deeqday dhismaha wadada dhexmarta magaalada Bosaaso, lagactaas oo ay guddigan gacanta ku hayeen.

Maamulka Gobolka Bari ayaa ka gaabsaday inay arrintan ka hadlaan, mar ay la xiriirtay VOAda.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG