Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin ku Saabsan Magaalada Kismaayo


Magaalada Kismayo waa magaalada sadexaad ee ugu weyn Soomaaliya, waa caasimadda gobolka Jubba Hoose, haatanna waxey xarun kumeel gaar u tahay dowlad goboleedka Jubbaland.

Magaaladu waxey ku taalaa xeebta badweynta India, waxeyna ku dhowdahay, goob weyn oo ah halka wabiga Jubba uu kaga daro badweynta India.

Hadal heynta magaalada ayaa todobaadkii tagay ku badnaa warbaahinta dunida iyo tan maxaliga ah, ka dib markii uu ka dhacay qarax ay ku dhinteen ku dhawaad 3o qof.

Haddaba wariyaha VOA Nuux Muuse Birjeeb oo magaalada ku suggan ayaa warbixintan ku eegaya xaaladda magaalada.

XS
SM
MD
LG