Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirada Dhimashada Weerarki Kismayo oo Korortay


Qarax
Qarax

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa deggan kadib markii ay ciidamada amaanka saakay dileen kooxihi weeraray hoteelka Cascaseey oo lagu laayay 26 ruux oo rayid u badnaa.

Ciidamada ayaa barqnimadi maanta soo afjaray howlgalka ay ka sameeyeen hoteelka oo ay ka dhaxdagaallamayeen tan iyo xalay maqribki, kaddib marki ay maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab weerareen.

Ciidamada amniga ayaa sheegay in sideed nin oo hubaysanaa ay gudaha u galay hoteelka waxyar kaddib marki mid iyaga ka mid ahaa uu albaabka ku qarxiyay gaari miineysan.

Goobjoogayaal isugu jira ehelada dadkii ku geeriyooday weerarka iyo masuulyiinta caafimaadka ee magaalada ismaayo ayaa VOA u xaqiijiyay in weerarka ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 33 ruux oo ay ku jireen raggii weerarka soo qaaday.

Madaxweynaha Jubalnad Axmed Madoobe oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay ku guuleysteen inay soo afjaraan weerarka isagoono sheegay in ilaa 26 ruux ay ku dhinteen 56-kalena ay ku dhaawacmeen Weerarka.

Warar ay VOA helayso ayaa sidoo kale sheegaya in Ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen mid kamid ahaa ragii dagaalamayay oo dagaalka ku dhaawacmay.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jirtay ALLA ha u naxariistee Hodan Naaleeye oo aheyd saxafiyad dhawaan uun dalka dib ugu laabatay kaddib marki ay ku kortay kuna waxbaratay dalka Canada.

Sida uu sheegay madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe, dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray Shuuriye oo ka mid ahaa musharraxiinta doorashada madaxtinimada Jubbaland, waxaa sidoo kale ku jiray dadka la dilaysaddex qof oo u dhashay dalka Kenya, saddex Tanzaniyan ah, laba British ah, laba Mareykan ah iyo shaqaalo u shaqeynayay Qaramada Midoobay.

Xaaladda magaalada ayaa hadda caadi kusoo laabatay waloow Isbitaalada ay ku mashquulsan yihiin sidii gurmad caafimaad loogu fulin lahaa dadka dhaawacmay.

Dadka ku nool magaalada Kismaayo ayaa sheegay in weerarka uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee abid ka dhaca magaalada Kismaayo.

XS
SM
MD
LG