Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muranka Tirakoobka Maraykanka Muxuu Salka Ku Hayaa


Dallkan Maraykanka waxaa socoto diyaarinta tirakoobka dadka ku nool Maraykanka oo 10-kii sanoba mar la qabto. Tirakoobkan oo la sameyn doono sanadka 2020-ka ayaa waxaa hareeyay khilaaf ku saabsan in su’aalaha dadka la weydiinayo lagu daro in qofku yahay muwaadin iyo in kale taasoo uu madaxweyne Trump doonayo. Hase ahaatee ugu dambeyn maxkamadda sare ee dalkan ayaa go’aamisay in aan lagu darin su’aashaasi.

Haddaba macnaha ay sameyneyo in su’aalaha dadka la weydiinayo lagu daro in qofku muwaadin yahay in kale, iyo waxa uu madaxweynuhu u doonayo ayaa waxaa nala falanqeynaya C/qafaar Cabdi Wardheere oo ka faalooda siyaadda caalamiga iyo tan Mareykanka oo daggan gobolka Virgina ee dalkan. Caasho Ibrahim Aden ayaa weydiisay waxa uu madaxweynuhu u rabo in su’aashasi lagu daro.

Dhageyso Faalada Tirakoobka Dadka Maraykanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:16 0:00

XS
SM
MD
LG