Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rasaas Laga Maqlayo Hotel Cas-Casey


Naso-Hablod Hotel
Naso-Hablod Hotel

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa wali cakiran kadib markii Maleeshiyaad hubaysan oo ka tirsan kooxda Al shabab ay shalay galab ay weerar xooggan ay ku qaadeen Hoteel ku yaala magaalada Kismaayo.

Masuulyiinta Isbitaalka magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale VOA u xaqiijiyay inay jiraan maydad gaaraya ilaa 12-ruux oo xalay Isbitaalka lasoo gaarsiiyay kuwaasoo iyagu ku geeriyooday Qarixii Ismiidaaminta ahaa ee Hoteelka lagu galay iyo sidoo kale Rasaasta wiiftada ah. Goobta Hoteelka uu ku yaalo waxaa ku yaalo xaafado ay ku nool yihiin dad rayid ah waxana laga cabsi qabaa inuu sii kordho khaasaaraha weerarka.

Gudaha magaalada ayaa wali waxaa laga maqlayaa dhawaqa rasaas ay is waydaarsanayaan Maleeshiyaadka ka dhex dagaalamaya gudaha Hoteelka iyo Ciidamada amaanka Jubaland ee Somalia oo isku dayaya inay soo afjaraan weerarka.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaarah guud ee weerarka

Ilaa iyo hadda dadka qaraxa ku geeriyooday ee la xaqiijiyay waxaa kamid Hodan Naleeye Axmed oo ahayd gabar Wariye ahayd oo dhowaan dalka Canada dib uga soo laabatay iyo Syageedii, sidoo kale waxaa ka mid ah wariye Maxamed Farax Sahal Gacmadheere oo isana kamid ahaa wariyeyaasha TV-ga SBC.

Madaxweynehaha Dowladda Federaalka ee Somalia ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa waxaa uu tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday weerarka Kismaayo, waxaana u cambaareeyay falkaasi argagaxisada ah

XS
SM
MD
LG