Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Putin oo diyaar u ah in uu la kulmo madaxweynaha Ukraine


Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuu diyaar u hayay inuu la kulmo madaxweynaha cusub ee Ukraine, si loo soo afjaro colaadda dhimashada badan dhalisay ee labada wadan ee deriska ah ka dhaxeysa.

Hadalkan Putin ka soo yeeray Khamiista maanta ah ayaa jawaab u ahaa yabooh uu dhawaan sameeyay madaxweynaha cusub ee Ukraine oo ugu yeeray Ruushka inay wada hadalaan, iyadoo wadamada Britain, France, Germany iyo Mareykankuna ay door dhex dhexaadnimo ka qaadanayaan wada xaajoodka.

Mr. Putin ayaa jawaabtiisa ku sheegay in wada hadaladan aysan suura gal noqoneynin inay bilowdaan ka hor inta aysan Ukraine dooran baarlaman cusub.

Ka dib markii la doortay bishii May ayuu Madaxweynaha Ukraine, Zelenskiy waxa uu wacad ku maray inuu soo afjarayo colaadda bariga Ukraine, taasoo galaafatay nolosha dad ka badan 13 kun oo qof tan iyo sanadkii 2014kii.

Xiriirka labada wadan ayaad aad u xumaaday markii uu Ruushku qarameeyay gobolka gacanka Crimean sanadkii 2014kii, isla markaana uu taageeray kooxaha gooni u goosad doonka ah ee gobolka Donbassa ee isla bariga Ukraine.

Hindisaha madaxweynaha cusub ayaa horu marinaya wada hadalo ay labada dhinac horey ugu yeesheen sanadihii 2014-kii iyo 2015kii dalka Belarus. Kaasoo ay dhinacyadu xabad joojin ku heshiiyeen, laakiin ay dhaqane gali weysay.

Ka hor inta aan la dooran madaxweynaha Cusub ee Ukraine, Zelenskiy waxa uu ahaa nin shaaciroole ah oo dadka ka qosliya, qibrad siyaasadeedna aan horey u laheyn.

XS
SM
MD
LG