Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al Shabab oo Jamaame ku dilay afar qof


Al-Shabab
Al-Shabab

Maleeshiyada ururka Al-Shabab ayaa manata afar qof ku dilay magaalada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saddex ka mid ah oo ay ku jirto gabadh ayaa la toogtay waxaana labada ragga ah lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen ciidamada dawladda halka gabadha lagu eedeeyey inay u basaasaysay Kenya.

Qof afraad oo nin ah ayaa lagu dilay dhagax waxaana lagu eedeeyey inuu gaystay kufsi sida ay sheegeen warar dhinaca amniga ah iyo warbaahinta taageerta Al-Shabab.

Dilalkan ayaa ka dhigaya dadka ay bishan dileen Al-Shabab 18 iyaga oo badankooda ku eedeeyeey inay ahaayeen basaasiin.

Maxkamadaha Al-Shabaab ayaan looyarro u qaban dadka lasoo eedeeyo waxaana maxkamadahooga lagu eedeeyaa inay adeegsadaan qiraal ku yimid jirdil.

XS
SM
MD
LG