WASHINGTON. D.C —
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta diblamaasiyiinta ku sugan Muqdisho u sheegtay, in aysan aqbali doonin in maamulada ka jira dalka loola dhaqmo sida dowlad oo kale.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu maanta magaalada Muqdisho kula yeeshay diblamaasiyiinta dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya iyo kuwa dalalkooda wakiilada uga ah arrimaha Soomaaliya.
Warbixintaan waxaa Muqdisho kasoo diray, Cabdulqadir Maxamed Cabdulle.