Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo ka hadashay go'aanka DFS ee Guinea


Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

Sidii aad idaacadeennii xalay fiidkii aad ku maqasheen, dowladda Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday inay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay dalka Galbeekda Afrika ku yaala ee Guinea.

Kulan golaha wasiirada dowladda federalka Soomaaliya ay ku yeesheen Muqdisho ayaa go’aankaasi waxaa kaga dhawaaqay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Arrintan ayaa la sheegay inay xiriir la leedahay hab maamuuskii lagu soo dhawaaweeyay madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ku tagay Guinea, inkastoo aysan dowladda Soomaaliya si toos ah Somaliland carabka ugu dhufan.

Maxamed Colaad Xassan ayaa qadka taleefanka ee caasimadda Guinea ee Conakry kula xiriiray wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliland. Dr. Yaasiin Xaaji Maxamed, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay waxa isku soo beegay booqashadooda iyo in dowladda Soomaaliya ay xiriirka u jarto Guinea.

Wareysi wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:43 0:00

XS
SM
MD
LG