Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Safiir Kaalmooy oo baaq u direy dhalinyarada u tahriibeysa Liibya


Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Liibiya ayaa ugu baaqay dhalin-yarada Soomaalida ee u safraya dalka Liibiya inay go’aankaasi ka fiirsadaan, waxaana uu sheegay in Liibiya ay xilligan marayso marxaladdii ugu darnayd marka ay noqoto dhinaca amnga sii xumaanaya.

Hadalkiisa ayaa ka dambeeyey markii dhowaan duqayn diyaaradeed oo lala beegsaday xero ay ku jiraan muhaajiriin ay ku dhinteen 44 muhaajiriin ah 130 kalena ay ku dhaawacmeen.

Haaruun Macruuf ayaa safiirka Muxiyaddiin Maxamed Kaalmoy xalay kula xiriiray khadka telefoonka ee Triboli, waxaana uu weydiiyey xaaladda sii adkaanaysa.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:11 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG