Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliyihi booliiska Koonfurta Gaalkacyo oo geeriyooday


Qarax Gaalkacyo
Qarax Gaalkacyo

Taliyihi booliiska ee dhinaca Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ayaa saaka ku geeriyooday magaaladaas, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya gobolka.

Gaashaanle Cawil Nur Rooble ayaa shalay dhaawac culus uu kasoo gaaray bam lagu xiray baabuurkiisa oo qarxay xilli uu ku watay baabuurkiisa magaalada Gaalkacyo.

Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka taliyahaasi.

Ururka Al-Shabaab ayaa bilihii u dambeeyey weeraro ay ka gaysteen magaalada Gaalkacyo ku dilay saraakiil dhinaca amniga ah iyo weliba shaqaale rayid ah oo u shaqeeya hay’adaha gargaarka.

XS
SM
MD
LG