Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qatar Airways oo billowday duulimaadyadii Muqdisho


Diyaaradda Qatar Airways ayaa maanta duulimaadkeedii ugu horreeyey ka bilowday magaalada Muqdishu. Diyaaraddan ayaa wadday 115 rakaab ah, waxayna kusoo hakatay magaalada Jabuuti.

Mas’uuliyiinta duulimaadka Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in diyaaradda Qatar Airways ay iman doonto garoonka Muqdisho saddex maalmood toddobaadkii, taasi oo kordhi karta bilaha soo socda.

Diyaaradaha kale ee caalamiga ah ee yimaada garoonka Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah Turkish Airlines, Ethiopia Airlines iyo Kenya Airways.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in bil kadib ay filayaan in diyaaradda Uganda Airways ay bilowdo duulimaadyadeeda Soomaaliya.

Caasha Ibraahim Aadan ayaa khadka telefoonka ee Muqdisho kula xiriirtay Maareeyaha Wakaaladda Hay’adda Duulista Rayidka Axmed Macalin Xasan.

Qatar Airways oo billowday duulimaadyadii Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:08 0:00

XS
SM
MD
LG