Maxkamadda racfaanka Gobalka Nugaal ayaa diidday racfaanka ay qaateen seddex dhalinyaro ah oo bishii hore lagu helay inay kufsi wadareed iyo dil u gaysteen gabadh 12 sano jir ah oo lagu magacaabi jiray Caasho Ilyees Aadan magaalada Gaalakacayo, falkaas oo dhacay bishii bishii Febrayao ee sannadkan.
Nuux Muuse Birjeeb ayaa warbixintan arrintaas ku saabsan soo diray.
Dhinaca kalena, qareenka saddexda nin ayaa sheegay inay racfaan u qaadan doonana maxkamadda sare ee Puntland.
Cabdulqaadir Samakaab ayaa qareenka dhalinyarada, Axmed Salaad kula xiriiray khadka telefoonka ee Garoowe waxaana uu weydiiyey tallaabada ay qaadayaan.
Facebook Forum