Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bannaanbaxyo Mar Kale ka Socda Sudan


Sudan
Sudan

Ciidamada booliska ayaa u adeegsaday suntan dadka ka ilmeysiisa kumannaan qof oo maanta isugu soo ururay magaalada Khartoum si ay uga qeybgalaan bannaanbax ka dhan ah jeneraallada militariga ee awoodda ku qabsaday dalka Sudan.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in booliska ay ka hortageen dad badan oo isugu soo baxay degmooyinka Bari, Mamura iyo Arkweit ee waqooyiga magaalada Khartoum. Sidoo kale booliska ayaa suntan indhaha ka ilmeysiisa ku ganay dad ku mudaaharaadayay degmada Gadaref ee bariga magaalada caasimadda ah.

Hogaamiyaasha kacdoonka ayaa Sabtidi ku baaqay in maanta magaalada Khartoum laga sameeyo bannaanbax ay ka qeybgalaan hal milyan oo qof, si milatariga loogu cadaadiyo in uu xakunka ku wareejiyo shacabka.

Dibadbaxayada hadda socdo ayaa loo arkaa kuwo tijaabo u ah kooxaha kacdoonka, kaddib marki ay ciidamada milatariga iyo maleeshiyo taageersan ay saddexdi bishaan June xoog ku kala jebiyeen dadweynaha mudaaharaadka sameyanayay.

Howlgalki saddexdi June ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 100 ruux oo rayid ah.

Midowga Yurub iyo dhowr waddan oo reer Galbeed ah ayaa ugu baaqay millatariga in ay ka baaqsadaan wax walba oo keeni kara in la dilo ama la dhaawaco dadka sida nabadda ah u raba in ay u mudaaharaadaan.

XS
SM
MD
LG