Isku xirrada

War Deg-Deg ah

10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Hiiraan


Hiran, Somalia

In ka badan 10 qof ayaa lagu dilay dagaal u dhaxeya laba malayshiyo beeleed oo manta ka dhacay meel u dhow degaan lagu magacaabo Ilguule oo hoostaga Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan.

Dagaalka oo u dhaxeeya malayshiyaad xoolo dhaqato ah oo ka soo kala jeeda Goballada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa halkaasi si goos goos ah uga dhacayay dhowrkii habeen ee la soo dhaafay.

In ka badan 20 qof oo ku dhaawacantay dagaalka manta ayaa waxaa la kala gaarsiyay isbitaalo ku kala yaala Guriceel iyo Baledweyne.

Ma jirto wax war ah oo ay dagaalladani kasoo saareen maamullada Hiiraan iyo Galgudud.

XS
SM
MD
LG