WASHINGTON. D.C —
Ugu yaraan sadex qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen dagaal saakay laba maleeshiyo ku dhex maray degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Dagaalkan ayaa dhex maray maleeshiyooyin iska soo horjeeda oo isku heysta maamulka Isbaarooyin magaalada banaankeeda ku yaalla, kuwaa oo markii dambe dagaalkoodu soo gaaray gudaha Magaalada.
Ibrahim Xassan Dandureey ayaa arrintan wax ka weyday, gudoomiye ku xigeenka Shabeelaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle.