Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud ayaa waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xooggan oo ku aadan, sidii loo dhameyn lahaa kala qeybsanaanta dowlad goboleedka Galmudug, loona qaban lahaa dib u heshiisiin iyo doorasho lagu soo dhiso dowlad ay dhinacyada u dhanyihiin.
Dhinaca kale, magaalada waxaa maanta gaaray Wafdi uu hogaaminayo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo safar dhinaca dhulka ah uga ambabaxay magaalaa Dhuusamareeb.
Maxamed Colaad Xassan ayaa khadka taleefanka kula xiriiray. Wariyaha VOA-da Cabdiwaaxid Macalin Isaaq, oo wax ka weydiiyey arrimahan.