Dhammaan geyiga Soomaalida waxaa maanta laga xusayaa maalinta 26-ka Juun oo ahayd makrii ugu horraysay ee dhul Soomaaliyeed uu ka xoroobo gumaystihii Biritan sannadkii 1960kii. Magaalada Muqdisho munaasabado kala duwan oo lagu maamuusayo maalinta xorriyadda 26-ka Juun ayaa lagu qabtay caasimadda xalay iyo maanta. Warbixintan waxaa Muqdishu nooga soo dirtay Seynab Abuukar.
Magaalada Hargaysa oo ahayd halkii laga taagay calankii xorriyadda 26-kii Juun ayaa sidoo kale dabbaaldegyo waaweyn ay ka dhaceen. Warbixintan waxaa inoo soo diray Khadar Maxamed Cakulle.
Dhinaca kale, berri oo ay bisha June tahay 27, waxaa maalinta xoriyadda laga xusayaa dalka Jibuuti oo isna ka xoroobay gumeystihii Faransiiska. Haddaba wariyaha VOA Sagal Saciid Faarax ayaa mikrofoonka la dhex martay qaar ka mid ah dadka reer Djibouti, isla markaana weydiisay dareenkooda maalinta xoriyadda.
Facebook Forum