Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cayaaro ka tirsan koobka Qaramada Afrika oo dhacay


Dalka Masar waxaa weli ka socda koobka kubadda cagta Qaramada Afrika, oo maraya wareeggiisa koowaad.

Cayaarihii ugu dambeeyey ee dhacay, ayaa dalka Ivory Coast waxa uu xalay hal gool iyo waxba dirqi ah uga adkaaday dalka South Afrika. Waxaa goolka Ivory Coast dhaliyey cayaaryahan Jonathan Kodjia. Cayaartan ayaa waxa ay ka tirsaneyn Group D.

Group-ka E, waxaa isku arkay, Tunisia iyo Angola, oo cayaartoyda la isku mari waayey barbar dhac gool iyo gool ah.

Waxaa sidoo kale qeybtan, isku arkay dalalka Mali iyo Mauritania, waxaana cayaartaas 4-1 ku awood sheegtay dalka Mali.

Wararkii ugu dambeeyey ee cayaarahan ayaa waxaa Qaahira kasoo diray weriye Xuseen Saxnuuni.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:51 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG