Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada dowladda oo deegaano ka qabsaday Al-Shabaab


Ciidamada
Ciidamada

Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland oo iskaashanaya ayaa la sheegay inay maanta qabsadeen tuulada Koban oo waqooyi kaga beegan magaalada Sanguuni ee Jubbada Hoose.

Iska horimaad kooban ayaa la sheegay inuu ka dhacay kaasi oo dhexmaray ciidamada iyo maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana wararku sheegayaan inuu halkaasi ku dhintay mid ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada dawladda ayaa la sheegay inay laba baabuur ka ka xaysteen Koban, kadibna ay saldhigyadoodii dib ugu laabteen.

Dhinaca kale, ciidamada dawladda ayaa la sheegay inay Al-Shabaab ka qabsadeen degaanka Ceel Saliin oo u dhow magaalada Marka ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidamo kale oo dawladda ah ayaa iyagana la sheegay inay joogaan agagaarka degaanka Dhanaane oo u dhexeeya Muqdishu iyo Marka.

XS
SM
MD
LG