Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaf oo ka Baxay Dhuusamareeb


Xaaf
Xaaf

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Geelle Xaaf ayaa maanta ka baxay oo isaga tagay magaaalada Dhusamareeb ee xarunta maamulkiisa, kaddib markii khilaaf uu soo kala dhex-galay isaga iyo Axmed Shaakir oo ah madaxa xukuumadda Galmudug.

Madaxweyne Xaaf iyo ilaalo la socota ayaa imika ku sugan degmada Godinlabe ee gobolka Galgaduud, waxaana warar ay VOA heshay sheegayaan inuu berrito tagi doono magaalada Gaalkacyo.

Khilaafka madaxweyne Xaaf iyo Axmed Shaakir ayaa yimid, kaddib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay xiriir hoose la sameysatay kooxda Ahlu-Sunna ee ka Talisa magaalada Dhuusamareeb.

Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqday in doorashada Galmudug ay wakhtigii loogu tallagalay ku dhacayso, go’aankaasi oo uu si weyn u diiday Xaaf.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa gaaray wasiirka arrimaha gudaha DFS, iyadoo sidoo kale warar ay VOA heshay ay sheegayaan in RW Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu isna ku wajahan yahay magaalada Dhuusamareeb.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Galmudug ayaa imika sababay in maamulka Galmudug uu sii kala qeybsamo, lamana ogga halka uu xaalku ku danbeyn doono.

XS
SM
MD
LG