Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa abwaan Singub loogu aasi waayey Muqdisho?


Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Soomaalida ee Ethiopia lagu aasay abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise Singub oo bilowgii todobaadkan ku geeriyooday magaalada Addis Ababa.

Abwaanka ayaa ku geeriyooday da'da 76 jir, waxa uu ka tagay 23 carruur ah iyo laba xaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey guddi u saartay in aas qaran loogu sameeyo magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta dalxiiska iyo dhaqanka ee dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Sahra Cabdi Axmed uga warramay aaska iyo waxa bedelay qorshahoodii ahaa in abwaanka Muqdisho aas qaran loogu sameeyo.

Maxaa abwaan Singub loogu aasi waayey Muqdisho?
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:24 0:00

XS
SM
MD
LG