Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waa sidee xaaladda qaxootiga Yemen ee Boosaaso?


Qaxooti dalka Yeman kuwaasoo ka soo cararay dagaalada sokeeye ee ka socda dalkooda ayaa ku nool magaalada Boosaaso.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland iyo qaar ka tirsan hay’adaha caalamiga ah ayaa waxay duleedka magaaladda Boosaaso ka hirgeliyeen xero lagu qaabilo qaxootiga ka imaanaya dalka Yemen iyo barkacaasha Soomaalida ahba markii ay ka soo degaan dekada Boosaaso, taas oo lagu nasiyo mud bilo ah.

Mudadaas kadib ayaa dadkaas loo sameeyaa shaqo abuur iyo degaanasho.

Munaasibadda maalinta Qaxootiga Adduunka oo maanta ku beegan ayaa Weriyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixin ay uga hadleyso xaaladda qaxootigaas ay nooga soo dirtay magaalada Boosaaso.

Waa sidee xaaladda qaxootiga Yemen ee Boosaaso?
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:40 0:00

XS
SM
MD
LG