Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan Dhakool oo xabsiga laga sii daayey


Golaha wakiilada Somaliland
Golaha wakiilada Somaliland

Xukuumada Somaliland ayaa maanta dib ugu celisay xoriyaddiisii xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, kaasi oo ku xidhnaa Xarunta Dambi-Baadhista ee CID ee magaalada Hargaysa.

Ilo wareed dhinaca booliiska ah ayaa VOA u xaqiijiyey sii daynta xildhibaanka. Xildhibaan Dhakool ayaa ka gaabsaday inuu warbaahinta la hadlo ka dib sii dayntiisa. Sidoo kale xukuumada Somaliland ayaa wax war ah ka soo saarin xadhigiisa.

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa la xiray bishii May, waxaana xukuumaddu ku eedeysay inuu ku gefay dastuurka ka dib markii uu ku tilmaamay maalin madaw oo cid gaar ahi leedahay maalinta 18ka May oo ah maalintii ay Somaliland sheegtay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Xildhibaanka ayaan maamuus ka xayuubin lagu samayn ka hor xiritaankiisa.

XS
SM
MD
LG