Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo ka feejigan cudurka Ebola


Ebola
Ebola

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inaanu jirin walaac ku saabsan in cudurka Ebola uu soo gaar Soomaaliya kadib markii maalmihii lasoo dhaafay laga helay dalka Uganda.

Dalka Kenya ayaa sidoo kale mas’uuliyiintu sheegeen inay baarayaan dhowr qof oo lagu arkay calaamado u eg kuwa Ebola, hase yeeshee mas’uuliyiinta caafimaadku weli ma aysan xaqiijinin.

Dadkaas ayaa si gooni loogu karantiilay kadib markii looga shakiyay inay la xanuunsan yihiin caalaamadaha cudurka waayadaan dambe ku baayay Qaarada Africa ee Ebola, waxaana Sadexdaan qof lagu hayaa Isbitaalka Kericho ee magaalo madaxda Ismaamulka Kericho ee dalka Kenya.

Sahra Cabdi Axmed ayaa arrintan ka waraysatay Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Siciid Cabdullaahi.

Soomaaliya oo ka feejigan cudurka Ebola
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:50 0:00

XS
SM
MD
LG