Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sarri oo Laga Dhigay Macallinka Juventus


Sarri
Sarri

Kooxda Juventus ayaa maanta ku dhawaaqday in ay macallinki hore ee kooxaha Chelsea iyo Napoli Maurizio Sarri ay u magacwday tabaraheeda saddexda sano ee soo socota.

Sarri ayaa Sabtidi kasoo tagay Chelsea oo uu soo leyliyay hal xilli ciyaareed, kaddib marki uu bishi hore u soo qaaday koobka Europa League.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegay in si ay Juventus u hesho Sarri ay Chelsea siisay lacag dhan shan milyan oo pounds. Maanta ayuu saxiixay qandaraas saddex sana ah.
Shaqada u taalo Sarri oo caan ku ah kubadaha quran ayaa ah, inuu halkeeda kasii amba-qaado guulaha Juve iyo inuu kooxda u qaado Koobka Kooxaha Yurub.
Macallinkan sigaar cabidda badan ayaa baddalay tababarihi hore ee Juventus Massimiliano Allegri oo sheegay inuu ciyaaraha ka nasan doono muddo sannad ah.

XS
SM
MD
LG