Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galkacyo: Dhimashada Sarkaal iyo 8 Kale


Koox ku hubaysan bastoolada ayaa xalay fiidkii magaalada Galkacyo ku dilay Cali Tahliil Cadceed oo ahaa sargaal katrsan Hay'adda Nabadsugidda Soomaaliya, gaar ahaan qaybta qaabilsan Galmudug .

Dilka sarkaalkan ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Galkacyo

Ciidamada amniga ayaa bilaabay howlgallo lagu baadi-goobayo kooxidi dilka gaystay, hasa ahaatee ma jirto cid illaa imika loo soo qabtay dilkan.

Dhinaca kale maleeshiyo-beeleed ku hayb ah sarkaalka la dilay ayaa 8 qof dilay isla markaana dhaawacay laba qof oo kale.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa dhammaan ahaa dad kasoo jeeda qaybo ka mid ah gobolada koonfureed ee Soomaaliya, waxaana dilkan uu noqonayaa kii labaad ee todobaad gudihiis ka dhaca deegnada galmudug ee loo gaysto dadka kasoo jeeda gobolada koonfurta Soomaaliya

XS
SM
MD
LG