Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Real Madrid oo keentay Messi-ga Japan


Kooxda Real Madrid ayaa maanta oo Jimca ah ku dhawaaqday in ay soo iibsatay ciyaaryahan Takefusa Kubo oo ay dadka ku naaneesaan Messi-ga dalka Japan.

Wiilkan 18 jirka ah ayaa ka ciyaara weerarka, waxaana sida wargeyska Marca ee kasoo baxa Spain uu sheegay, Real Madrid ayaa Kubo ku iibsatay laba milyan oo euro, isaga oo saxiixi doona shan sano oo qandaraas ah.

Kubo, oo bishi hore kulankiisi ugu horreeyay u saftay xulka Japan ciyaar ay la dheeleen El Salvador, ayaa xilli ciyaareedki dhamaaday wacdaro ka dhigay horyaalka Japan ee J League. Wuxuu ka tirsanaa kooxda hadda ay Real kasoo iibsatay ee FC Tokyo.

Kubo ayaa ku biiraya dhowr laacib oo todobaadyadi dhawaa ay Real soo iibsatay kuwaasoo ay ka mid yihiin Eden Hazard, Luka Jovic oo weerarka ka dheela iyo laacibka difaaca ka ciyaara ee Ferland Mendy.

XS
SM
MD
LG