Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Toronto Raptors oo hanatay koobka NBA-da


Kooxda kubadda koleyga Toronto Raptors ee dalka Canada ayaa marki ugu horreysay taariikhdeeda ku guuleysatay koobka kubadda koleyga NBA-da ee Waqooyiga America, kaddib marki ay 114-110 dhibcood ku garaacday kooxda caanka ah ee Golden State Warriors ee dalka Mareykanka.

Ciyaaraha NBA-da ayaa marka ay laba koox isugu soo haraan finalka ama ciyaarta kama danbeysta, waxaa la ciyaaraa 7 jeer oo kala bax ah oo ay ku hardamaan labada dhinac.

Ciyaarti xalay ayaa aheyd tii lixaad ee ay labadan koox isku arkeen finalki sannadkaan. Waxaana 4 jeer badisay kooxda Raptors, sidaasina ku hanatay kooxda.

Toronto Raptors waxay sidoo kale noqotay kooxdi ugu horeysay oo ka socota Canada oo qaadda koob weyn, tan iyo sannadki 1993-ki, markaas oo ay koobka kubadda koleyga ee caalamiga ah ay qaadday kooxda Toronto Blue Jays.

Tartanka NBA-da ayaa waxaa ciyaari jiray kaliyah kooxaha Mareykanka, balse waxaa lagu soo biiriyay kooxaha dalka Canada, sannadki 1995-ki markaas oo la aas aasay kooxda xalay koobkan qaadday ee Toronto Raptors.

Ciyaarti xalay, laacibka kooxda Raptors, Kawhi Leonard ayaa loo magacaabay ciyaaryahanki ugu wanaagsanaa finalki xalay.

Kooxdi kaalinta labaad gashay xalay ee Golden State Warriors, ayaa afarti sano ee lasoo dhaafay qaadday koobkan saddex jeer. Labadi sano ee lasoo dhaafay iyada ayaa isku xiriirisay.

Ugu danbeytni, dabaaldagyo waa weyn ayaa xalay ka dhacay magaalada Toronto, taasoo ay taageerayaasha iyo dadka magaalada ugu damaashaadeen koobki ugu horreeyay ee ay kooxdooda Raptors ku guuleystay.

XS
SM
MD
LG