Taliyihii booliska gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Macow Xalane iyo sarkaal kale ayaa ku dhintay iska hor-imaad ka dhacay maanta deegaanka Kala-beyr ee degmada Jawiil gobolka Hiiraan.
Goobta iska hor-imaadka uu ka dhacay ayaa waxay il-dhaqaale u tahay maamulka Hir-Shabeelle waxana lacago canshuur ah looga qaadaa gaadiidka isaga gala goosha gobollada dhexe iyo Itoobiya.
Arrintani waxay daba socotaa muran ka dhashay xil ka qaadis uu madaxweynaha Hir-Shabbeelle ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).
Warbixin arrintan ku saabsan waxa Baladweyne ka soo direy Xuseen Xasan Dhaqane.
Facebook Forum