Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Canshuurtii Mexico oo la Hakiyay


Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka iyo Mexico ay ku heshiiyeen sidii dadka muhaajiriinta ah ee Mareykanka uga soo tallaaba xadka Mexico loo xakameyn lahaa, halka Mareykankana uu ka baaqsaday inuu canshuurta ku kordhiyo alaabaha ay Mexico u soo dhoofiso Mareykanka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayuu madaxweyne Trump ku sheegay in aysan dhaqan gali doonin cnshuurtii la qorsheeyay in maalinta Isniinta ay ku billaabato wax soo saarka Mexico ee la keeno Mareykanka, kaddib markii ay labada waddan heshiis ka gaareen arrimaha soo galootiga.


Mexico, ayuu sheegay in dhankeeda ay tallaabo adag u qaadi doonto sidii ay u xakameyn laheyd muhaajiriinta soo mara dalkeeda ee u soo tallaaba Mareykanka.

XS
SM
MD
LG