Sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska Soomaaliya ayaa la sheeey in uu saakay isku dhex daldalay xerada Sheelare ee degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.
Marxuumkan oo lagu magacaabi jirey Cabdi Cali Seed ayaa la sheegey in uu isdaldalay isagoo xiran labiksa ciidanka booliska iyo darajada Gaashaanle Dhexe.
Haddaba sida ay arrintan u dhacday iyo sababta ayaa Ibrahim Xassan Dandureey uu weydiiyay xaaska sarkaalkaas Deeqa Axmed Xassan. Khadka Taleefanka ee Muqdisho ayuu kula xiriiray.