Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo soo saartay digniin ku wajahan Soomaaliya


UNHCR logo
UNHCR logo

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in shan milyan iyo afar boqol oo kun oo Soomaali ah oo ay saameeyeen abaaro sii xumaanaya oo ka jira Soomaaliya ay halis ugu jiraan in bisha soo socoto ay wajahaan cunto yari aad u daran, haddii aanan si deg deg loo helin gargaar naf badbaadin ah.

Hay’adda qaxootiga QM ee UNHCR ayaa sheegtay in abaaraha la xiriira cimilada ay si joogto ah uga dhacayan dalka Soomaaliya, taasi oo ay sheegtay inay xaaladda kusii xumaysay malaayiin Soomaali ah oo markii horeba barakacsanaa.

UNHCR waxay sheegtay in abaarta hadda jirta ay sanadkan kaliya illaa hadda barakicisay 50,000 oo qof oo Soomalai ah.

Afhayeenka UNHCR, Babar Baloch ayaa sheegay in cunta-yarida ay mar horeba ahayd mid darran, wuxuuna ka digay in waqtiga uu sii yaraanayo si loo caawiyo kuwa ay saameysay.

Warbixin arrintaasi ku saabsan waxaa xarunta hay’adda UNHCR ee magaalada Geneva kasoo dirtay Lisa Schlein. Waxaa aqrinaya koobaya Nur Hassan Nur.

Dhageyso warbixinta oo buuxda
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:43 0:00

XS
SM
MD
LG