Inta badan magaalooyimka waaweyn ee Soomaaliya ayaa maanta si weyn looga ciidey.
Dadka ayaa isugu soo baxay qaar kamid ah fagaarayaasha iyo misaajidda waaweyn ee soomaaliya si ay saaladda Ciidda u oogaan .
Mqudisho, meelaha ay dadku ku dukadeen waxaa ka mida Masjidka Isbaahysiga Islaamka, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaan lagu arkin Misaajidka Isbahaysiga, waxaana halkaas dadka kula dukaday salaadda Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Ra'iisulwasaare Xasan Cali Khayre.
Haddaba dhageyso sida looga ciidey meelo ka mid ah Soomaaliya.