Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo iyo Abiy Ahmed oo Addis ku Kulmay


Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulahi Farmajo iyo RW Itoobiya Abiy Axmed
Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulahi Farmajo iyo RW Itoobiya Abiy Axmed

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa maanta muddo kooban uu kulan ku dhexmaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa yimid, kaddib markii ay Ethiopia todobaadki hore ay barta wasaaraddooda arrimaha dibadda kusoo daabacday khariirad meesha ka saartay jiritaanka Soomaaliya.

Lama oga waxa ay sida rasmiga ah uga wadahadleen labada hoggaamiye, laakiin war-saxaafadeed ay madaxtooyada Soomaaliya soo saartay ayaa lagu sheegay inay ka wada hadleen Md. Farmaajo iyo Abiy Ahmed iskaashida dhinacyada amniga yo dhaqaalaha, iyo waliba xaaladihi u danbeeyay ee gobolka.

Wasiirka koowaad ee Ethiopia Abiy Ahmed ayaa wareysi uu siiyay VOA ku sheegay inay dhex-dhexaadinayaan Soomaaliya iyo Kenya oo xiriirka ka dhaxeeyaa uu sii xumaaday, isagoo Abiy Ahmed ka digay in muranka Kenya iyo Somalia uu saameyn ku yeellan karo gobolka.

Bishii Maarso ayaa RW Ethiopia Abiy Ahmed sameeyay dadaal uu ku dhex-dhexaadiyay Somalia iyo Kenya, isagoo ka shaqeeyay kulan ay Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay Nairobi si fool-ka-fool ah isugu arkeen, laakiin dadaalkaasi Abiy Ahmed ayaa noqday mid aan miro dhalin.

Haatanna ma cadda sida Ethiopia iyo dalalka kale ee derisku ay u wajahayaan qorshaha ay doonayaan inay ku heshiisiiyaan Somalia iyo Kenya.

XS
SM
MD
LG