Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Liverpool oo qaadday Koobka UCL


Liverpool FC
Liverpool FC

Kooxda Liverpool ee dalka Talyaaniga ayaa xalay ku guuleysatay koobka Naadiyada Horyaalada Yurub ee Uefa Champions League, kaddib marki ay ciyaarti kama danbeysta aheyd 2-0 ku garaacday kooxda Tottenham.

Kulanki xalay oo ka dhacy garoonka Wanda Metropolitano ee magaalada Madrid ee dalka Spain, ayay Liverpool goolka koowaad heshay daqiiqadi labaad ee ciyaarta, kaddib marki uu ciyaaryahan Mane kubad gacanta u saaray Moussa Sissoko kaddibna uu garsooruhu dhigay rigoore.

Marki rigoorada la dhigay, waxay ciyaarta maraysay 30 ilbiriqsi oo kaliyah. Maxamed Salah ayaa rigoorada gool u baddalay, taasoo mar qura garoonka Wanda ee magaalada Madrid u baddalay midibka guduudan ee Liverpool.

Tottenham, si wanaagsan ayay u ciyaartay, iyada ayaana fursado badneyd sidoo kalana 65 boqolkiiba iyadaa kubadda heystay, hase yeeshee waxaa aad u saameeyay goolka dhaqsaha badnaa ee uu Salah ka dhaliyay bilowgi ciyaarta. Waxaa ciyaarta soo xiray Divock Origi oo baddal kusoo galay, kaasoo goolka labaad u saxiixay Liverpool ciyaarta oo ay ka harsaneyd 3 daqiiqo.

Waa marki lixaad oo ay Liverpool ku guuleysaneyso tartankan. Waxaa ka badan kaliyah AC Milan oo 7 jeer qaadday iyo Real Madrid oo qaadday 13 goor. Sidoo kale waxay aheyd marki ugu horreysay ee uu koobkan qaado macalinka Liverpool Jürgen Klopp.

Tottenham waxay u aheyd markeedi ugu horreeyay ee ay gaartay finalka Koobka Naadiyada Yurub.

XS
SM
MD
LG